Home

Nimco Yaasiin & Farxiya Fiska oo Hees Siyaasadeed Wada Qaaday

Xogta Shacabka (London) Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Nimco Yaasiin & Farxiya Fiska ayaa soo saaray hees la magac-baxday JEES oo ay ku wada hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland. Nimco Yaasiin ayaa heestan ugu doodaysa gu’itaanka Somaliland halka Farxiya Fiska ay u hadlayso midnimo Soomaaliyeed.

 

Halkan Ka Daawo Heesta Ay Wada Qaadeen Nimco Yasin & Farxiya Fiska

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Warar Goo-goos Ah oo Meelo Kaladuwan An Ka Helnay

Jigjiga: Ilo lagu kalsoonyahey oo magaalada Jigjiga ku sugan ayaa noogu waramay in maalmahan xidhiidhkoodu soo wanaagsanaaday labada M/weyne ku xigeen ee C/laahi Ethiopia iyo C/fataax Macalin oo hada ka hor mad madaw ku kala dhex jiray. Ilaha warakan aan ka helnay ayaa intaasi ku daray inuu wada hadashiiyay mid kamid ah wasiirada kililka oo saaxiib la ah labada M/weyne ku xigeen.

Oslo: Taageerayaasha Jabhada ONLF ee Norway ayaa ku hor mudaaharaaday kulan ay safaarada Ethiopia ee fadhigeedu yahay Sweden ku qabatay hoteelka Radisson Blue ee magaalada Oslo. Banaan baxay ayaa waxaa hogaaminayey wakiilka Jabhada ee Norway C/laahi-Caa Muxumed Tayse.

Muqdisho: Taliyihii Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maaye ayaa galabta laga qaaday xilkii, si ku-meel gaadh ahna loogu badalay ku xigeenkiisii General C/Xakiin Daahir Saacid. Kulanka golaha wasiirada ayaa la filayaa in lagu magacaabi doono taliye cusub.

Dhagaxbuur: Roobabkii ayaa lagu soo waramayaa inay si fiican uga curteen dhamaan gobollada Ogaadeenya iyadoo ay adkaatay isu socodka dagmooyin badan. Togaga Faafan iyo Jarar ayaa buux dhaafay oo sababay meelaha qaar inay wadooyinku xidhmaan oo la mari waayo.

Kismaayo: Dagaalyahamiin ka tirsan xarakada Al-shabab ayaa habeen hore weerar ku qaaday gagida dayuuradaha ee magaalada Kismaayo oo fadhiisin u ah ciidamada AMISOM isla mar ahaantaana ay daganyihiinn qaar kamid ah ergooyinka shirka maamul u samaynta Jubooyinka.

Jigjiga: Madaxweynaha Kililka Cabdi Iley oo baryahan danbe isku dayayey inuu soo jiito Somaliland ayaa hadyado gadhka ugaliyay abwaaniin ree Hargaysa ah oo Jigjiga u tagay aaskii Allah Ha u naxariistee Abwaan Dhoodaan. Cabdi Iley ayaa hada ka hor Abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iska hor taagay in loo cusboonaysiiyo baasaboor Ethiopian ah oo wakhtigiisu ka dhacay.

Washington DC: Madaxweynaha Maraykanyka Barak Obama ayaa la filayaa inuu booqan doono wadanka Ethiopia dabayaaqada bishan isagoo ka qayb gali doona xuska 50-guurada Midawga Afrika.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Fanaaniinta Soomaaliyeed oo Tacsi U Diraya Fanaanada Nimco Dareen

Xogta Shacabka (Toronto) Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya fanaanada Nimco Cabdi (Dareen) oo Alla Ha u naxariistee walaalkeed Liibaan Cabdi ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Dhambaalka tacsida ah ayaa waxaa na soo gaadhsiiyay fanaaniinta kala ah;

  1. Faaduma Cali Nakruuma
  2. Shukri Sindiko
  3. Deeqa Axmad
  4. Fartuun Birimo
  5. Cumar Boonge
  6. C/Qaadir Biikolo
  7. C/laahi Boqol
  8. Bare Yare

Bahda Xogta Shacabka ayaa tacsi taasi lamid ah u diraya fanaanada Nimco Dareen oonu Ilaahay uga barayayno inuu naxariistii jano ka waraabiyo walaalkeed Liibaan ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Ibraahin Cali "Waa Qalad In Xafiisyada Dawlada Nalagu Dhex Qiimeeyo"

Xogta Shacabka (Jigjiga) Maareeyaha Shirkada Qodista & Dhismaha Hawlaha Biyaha ee Kililka Ibraahin Cali ayaa ku tilmaamay inay sharci-darro tahay in lagu dhex qiimeeyo xafiisyada dawlada, isla mar ahaantaana loo qiimeeyo sidii xafiis dawladeed oo kamid ah sektarada. Ibraahin Cali ayaa hadalkaasi ka sheegay madasha lagu qiimaynayey xafiisyada hoos-taga xafiiska Madaxweynaha shalay galab.

Xog uu email noogu soo diray shaqsi goob-joog ku ahaa halka qiimayntu ka socotay ayaa ku waramaysa in Ibraahin Cali uu sheegay in Shirkada uu madaxa ka yahay iyo tan naqshadaynta ay tahay inay qiimeeyaan gudiga boardiga, ayna qalad tahay in xafiisyada dawlada lagu dhex qiimeeyo. Hase ahaatee Wasiirka Madaxtooyada C/Casiis oo qiimaynta hogaaminayey ayaa hadalka Ibraahin gaashaanka ku dhuftay isagoo sheegay in la isla eegi doono wixii faa’iido ah ee ay shirkaduhu soo saareen.

Hadalka Ibraahin Cali ayaa naloo sheegay inuu taageero dag dag ah ka helay Maareeye Ku xigeenka Design Enterprise-ka Guuleed Aw-cali oo ay isku miis saaranyihiin iyo Wasiirka Jidadka Khadar Dheere oon la garanaynin waxa ka quseeya.

Ilo lagu kalsoonyahey oo xog ogaal u ah arrimaha Enterprise-yada kililka ayaa noo sheegay inaysan u shaqeynin sidii loogu tala galay shirkado faa’iido samays ah isla markaana aanu jirin board daba gal ku sameeya hawlaha ay qabtaan iyo waliba inay faa’iido soo saaraan. Wasiirka Madaxtooyada C/Casiis ayaa gudoomiye u ah board-iga labadan shirkadoodba. Lacag kor u dhaafaysa Lix Boqol oo Milyan oo Biir ayay Enterprise-ka Biyuhu qandaraas kaga qaateen dawlada dhexe.

Dhanka kale xog naga soo gaadhay xafiisyada uu qiimaynayo M/weyne ku xigeenka C/fataax Macalin ayaa sheegaysa inay si habsami ah u socoto. Halkaasi oo lagu qiimaynayo inta badan xafiisyada horumarka ayuu masuul madax ka ah kuwa lagu qiimaynayo noo sheegay inuusan  M/weyne ku xigeenku su’aalo badan cidna waydiinaynin gaba gabona ay ku dhawdahay qiimayntu.

Xafiisyada uu qiimaynayo C/llaahi Ethiopia ayaa iyagu shalayba ka faraxashay qiimaynta oo feestada Maalinta Shaqaalaha Aduunka guryahooda ku nasanaya.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Madixii Radio Ogaal oo Taageerayaasha Kililka Ku Biiray

Xogta Shacabka (Toronto)Tifatiraha iyo daadihiyaha idaacada Radio Ogaal Xasan Kaaratee oo horay u taageeri jiray Jabhada ONLF ayaa hada u jan jeedhsaday dhinaca maamulka Kililka 5aad. Xasan Kaaratee oo tobankii sano ee ina dhaafay madax ka ahaa Radio Ogaal oo laga dhagaysto wadanka Canada ayaa waraysiyo badan ka qaaday madaxda ONLF isla mar ahaantaana buun buunin dhanka saxaafada ahna u samayn jiray.

Sidoo kale ayaa Xasan Karatee aad looga yaqaanaa barta Internetka ay dadku ku sheekaystaan ee loo yaqaano Paltalk oo u ku soo galo magaca NUURJIIR isagoo lagu yaqaannay inuu ka soo hor jeeday dawlada Ethiopia iyo xukuumada Kililka 5aad.

Xasan Kaaratee ayaa baryahan bilaabay inuu wararka Radio Ogaal ku soo daro waxyaabaha ka dhaca magaalada Jigjiga iyo guud ahaan kililka 5aad. Radio Ogaal ayaa ka sokow websitekooda, laga dhagaystaa FM-ta 88.9 ee magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.

Qurbajoog badan oo kililka 5aad aan arkin mudo badan ayaad moodaa inay baryahan danbe indha hooda soo jiidanayso is-badalada ka socda iyadoo in badan oo kamid ahi ay booqdeen, halka inta kalena ay ku taamayaan inay soo arkaan dhulkooda.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Cabdi Iley oo Somaliland Xidhiidh Wanaagsan La Samaystay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Madaxweynaha Kililka Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) iyo Maamulka Somaliland ayaa u muuqada inuu xidhiidhkoodu caadi ku soo noqday, kadib mad madaw ku kala dhex jiray hada ka hor. Cabdi Iley ayaa waayadan danbe qaaday tallaabooyin soo jiitay guud ahaan beesha Isaaq ee dagta xuduudka Somaliland iyo Ethiopia u dhexeeya.

Sidaan ka war qabnay Dawlada Somaliland iyo Maamulka kililka ayay xurguftoodu ka soo bilaabatay dagaal sannad iyo badh ka hor ka dhacay aaga Yoocaale, halkasoo ay kililku soo xidh xidheen dablay sida ay sheegeen ka soo birmatay Hargaysa. Sidoo kale ayay colaada labada dhinac sii murgisay dagaalkii Gaashaamo mudo wax yar un ka danbaysey dhacdadaasi hore oo ay dawlada Somaliland ku eedaysay in ciidanka Liyuu Boolisku halkaasi ku laayeen dad rayid ah.

Dhanka maamulka Kililka ayaa iyagu ku eedaynayey inay Dawlada Somaliland gabaad siiso jabhadaha mucaaradka ku ah isla mar ahaantaana ay Ethiopia ka soo galaan dhanka Somaliland. Sidoo kale ayay maamulka kililku ka gaws haysteen madaxda Somaliland oo iyaga uga dacwooda dawlada federalka Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, isku soo dhawaanshaha hada muuqda ayaa ka soo bilawday markuu Cabdi Iley booqashada ku tagay dagmooyinka ay beesha Isaaq dagto bishii hore,isla mar ahaantaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay, isagoo socodkuu hayayba siyaasi ka soo jeeda dagmada Gaashaamo u magacaabay Wasiirka Beeraha.

Kulankii shalay dhex maray Cabdi Iley iyo ergadii ree Somaliland ee aaskii Dhoodaan ka soo qayb gashay ayay ka muuqatay in labada dhinac qalbiga isu fureen isagoo Cabdi Iley isa soo garab fadhiisiyay C/Risaaq Cali Baashe oo u fadhiyay sidii Wasiirki Arrimaha Dibada ee Kililka.

Abwaaniin ay kamid yihiin Hadraawi, Dacar, iyo Cabdi Qays iyo rag kaloo caan ah ayaa dhex mushaaxaya magaalada Jigjiga, iyadoo ay dadka Kililka 5aad aad ugu farxeen sida ay ree Somaliland ugala qayb qaateen aaskii Abwaan Dhoodaan. Wasiir ku xigeenka W/faafinta Somaliland Cukuse oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay waftidii Somaliland u riyaaqeen sida kililka 5aad loogu soo dhaweeyay.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Shacabka Jigjiga oo Ka Cabanaya Gaadiidka Habeenkii La Joojinayo

Xogta Shacabka (Jigjiga) Dadaka shacabka ah ee magaalada Jigjiga ayaa ka cabanaya gaadiidka ay raacaan ee Bajaaj-ta loo yaqaano oo la joojiyo, wakhtiga galabkii ee ay dadku shaqooyinka iyo meheradaha ka soo rawaxayaan iyo fiidkii. Ciidanka Booliska ee Adhma Batanaaga loo yaqaano iyo Taraafikada ayaa bajaajta u diida inay maraan wadooyinka iyagoo ku amra maqribkii inay xaroodaan.

Inkastoo aysan dadka shacabka ahi ogayn sababta loo joojinayo socodka bajaajta ee fiidkii, hadana waxay dad badani qiyaasayaan inay tahay arrin ay boolisku ku sugayaan nabadgalyada magaalada. Hayadaha amniga ee kililka 5aad ayay fadeexad ku tahay inaysan amniga magaalada sugi karin iyagoon dadwaynaha ka qaadin xorriyada isu socodka.

Meheradaha iyo goobaha ay dadku ku cawaysimaan ayaa wakhti hore albaabada loo xidhaa maadaama isku socodka dadku istaagayo marka la joojiyo bajaajta oo ah gaadiidka kaliya ee ay dadku meeshay rabaan ku tagaan, marka laga reebo basas ay dawladu dhawaan soo iibisay oo mara jidadka waawayn ee magaalada.

Dhanka kale ayay dadku dhibaato ku qabaan Booliska Adhmaa Batanaaga oo is-goys walba ku baadha dadka lugaynaya, jeelkana u taxaaba qofkii an aqoonsi wadanin ama aysan garanaynin. Qaar kamid ah shacabka Jigjiga ayaa kuu eedaynaya askarta fadhiisata is-goyska qabaleega xaafada 4aad inay lacag ka qaataan habeenkii dadka halkaasi mara.

Magaalada Jigjiga ayaysan ka dhicin wax amni daro ah shanti sano ee u danbaysey, iyadoo ay aad u ballaadhatay magaaladu ayna adagtahay in lug la isaga kala goosho xaafadaheeda.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qiimayntii Xafiisyada oo Shalay La Guda Galay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Qiimaynta Xafiisyada Dawlada Kililka ayaa shalay galab ka bilaabmatay afar goobood oo ay kala hogaaminayaan sadexda M/weyne ku xigeen iyo Wasiirka M/tooyada. Ilo ku dha dhaw M/tooyada ayaa noo xaqiijiyay in xafiisyada hoos-yimaada M/weynaha lagu qiimaynayo, hoolka guriga martida, kuwa hoos-yimaada C/laahi-Ethiopiana hoolka Sayidka, halka C/Xakiin Maaliyada ku qiimaynayo xafiisyada hoos-taga, C/fataax Macallina hoolka Xafiiska Haweenka.

Wariyaha Xogta Shacabka oo maanta soo xogsaday sida ay shalay qiimayntu ku bilaabatay iyo sida ay u socon doonto ayaa soo tabiyay in sidaan horayba u soo qornay la qiimaynayo halka ay ku baxday miisanaiyadu iyadoo la go’aamiyay in galabtiiba ilaa saddex xafiis la qiimeeyo, laguna soo gaba gabeeyo todobaadkan aakhirkiisa.

Ilo lagu kalsoonyahey ayaa noo sheegay inay dhanka habsami u socodka ugu horeeyaan qaybta uu hogaaminayo M/weyne ku xigeenka C/llaahi Ethiopia, iyadoo ay qaybaha kale wali la rafanayaan xafiisyadii ugu horeeyay oo aysan ilaa haatan hal xafiis qiimayntiina dhamys tirin.

Xafiisyada hoos-taga M/waynaha ayaa la filayaa inay qaadan doonaan waqtiga ugu badan maadaama ay isugu jiraan xafiisyo dawladeed sida Biyaha, Jidadka, DPP oo wax-qabadkooda la qiimaynayo iyo shirkado faa’iido laga sugayo, sida Enterprise-ka Biyaha, Naqshadaynta iyo Jidadka.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Faarax Sheekh Biixi iyo Najiib oo Isku-dhacay

Xogta Shacabka (Diridhabe) Waxaa maanta na soo gaadhay e-mail uu noo soo diray mid kamid ah akhristayaasha webkan xogtashacabka xubinkaas oo naga codsaday in aanaan soo daabicin magaciisa iyo e-mailkiisaba waxaan ka mid ahaa qoraalka uu noo soo diray nuxurka ku qoraa sidan

Waxaa mudo aad u dheer saaxib ahaa faarax shekh biixi iyo najiib shalakh been waxaan ka dhaxeeyey Xidhiidh aad u qoto dheer  oo  lahaa wajiyaal aad u badan oo uu kamid ahaa midka ugu horeyey oo ahaa xidhiidh ganacsi  gaar ahaan  xawaalada Kaah oo ay kamid yihiin wakiilada u fadhiya  shirkada wadanka itoopiya inkastoo si gaar ah najiib ugu magacaabanyahay wakiil nimada shirkada

Labada nin oo ahaa lab nin oo aad iskugu xidhnaa islamarkaan ahaa matoorada  ay shirkada KAAH ku shaqeyso islamarkaan halgan aad u balaadhan u soo maray sidii ay u meel marin lahaayeen hawlaha shaqo ee shirkada gaar ahaan wadanka itopiya   islamarkaan ay labadoodaba u soo galeen xabsi  kadib markii lagu soo eedeeyey in ay xidhiidh la leeyihiin islamarkaan ay gacanta ku hayaan lacago ay leedahay jab-hada ONLF balse mudo kadib la sii daaye. Markii uu soo baxay khilaaf- kodu waxaa aad iskugu dhabar-jabiyey sidii ayna arintaasu  u soo bixi lahayn ninka shirkada u fadhiya dubey ee lagu magacaabo mustafe cabdi cali oo aad uga cabsi qabay in ay shirkada KAAH ku timaado burbur aad u foolxun maadamo oo ay soo badaneyso dadka ama maalqabeenada dib ugala noqonaya hantidoodii amaba furanaya shirkado kale oo  ka madax banana KAAH  wuxuuna aad uga naxay sida uu midba midka kale  iskugu taxaluujinayo sidii uu  kar-kaarka u weydaarin lahaa amaba uu dawlada fadaralka amaba dds u siin lahayeen cadeymo aad u foolxun oo keensada cawaaqib aad u foolxun,waayo waxaa kamid ah hadalada soo baxaya in uu najiib aad uga xumaaday faarax sheikh biixi oo markasta sheegta ama shirkada ku soo dalaca hanta aad u balaadhan oo ku sheego in ay ku baxdo Laalush si ay shirkadu u sii jirto lacagtaas uu faarax ku xisaab xidho  laalush ayaa noqotay mid aad u badan oo keentay in uu najiib ka shakiyo in ayna  wax kajiraan sida uu faarax u sheegayo wuxuuna najiib u arkay faarx in ay beentii tahay ee uu lacagta isagu qaato oo ayna jirin cid sirdoona ah oo uu siiyo hadaba najiin wuxuu mudo aad u dheer ah uga baqanayey hadii uu ka hadlo lacgtan in uu faarax sameeyo qas aad u badan oo xataa   dhibaato ku naqota najiib waayo faarax wuxuu najiib ugu mahad sheegtaa in uu ka siidayey xabsi dheer oo uu galay xiligii uu ku fashilmay keenista mid kamid ahaa hogaamintii ONLF dahir bareefad xiligaas oo uu faarx najiib ka qaaday lacag aad u badan oo uu sheegay in uu laalush u bixiyey si uu xabsiga iyo maxkamad uga badbaadiyo.

Hadaba waxaa najiib u cadaatay in faarxa waxa uu sheegayo ayna waxba ka jirin siiba lacagaha intaas le-eg uuna habayaraatee jirin cid uu siiyo ee ay tahay wax uu isagu si khalda ah u abuurayo islamarkaan uu mudo u soo dul-qaadanayey . dhanka kale waxaa intaas dheer in uuna najiib ahayn cida kaliya ee shirkadu ka baaba-ayso  ee faarax laftiisu  uu kamid yahay mulkiila- yaasha shirkada ee ugu samiga badan balse faarax uu hunguri xumi uun u gali qaskan sidoo kale wuxuu najjib aaminsanyahay hadii uu faarx uu isku dayo in uu shirkada ku furo dacwo ama uu keeno cadeymo lagaga talaabo qaado shirkada in faarax noqonayo cida ugu horeysa taalaabo kasta oo KAAH laga qaado ku dhici balse arintan uu xoolo cirdoon-nimo iyo wax uu horey u bartay in uu ku shaqeysto oo dhaqan ka noqotay in ay arintu tahay

Dhanka kale waxy dhawaan isku raaceen adiis ababa oo ay u aaden sidii ay ugu soo kala bixi lahayeen lahaanshaha shaqsi nimo ee 3 dabaq oo adiis markii hore lagaga dhisay magaca shirkada inkastoo ay arintaas ku heshiiyeen .dhanka kale waxaa aad u qasan macaamiishii shirkada kaah ee gobalada iyo dagmooyinka kadib markii laga joojiyey in ay shirkadu  wax u dirto gobalada.arinta burburka shirkada kaah ayaa laga yaabaa in ay dad badan noloshooda sameyn ku yeelato inkastoo ay jiraan xawaalado kale oo  ka hoos baxay KAAH  arintaas oo kamid ah dareenka uu faarax ka qabo najiib waayo faarx wuxuu aamin sanyahay in uu najiib la og-yahay dadka sida qul-qulka ah uga sii baxay shirkada kaah taasina ay faarax aad uga cadheysiisay  maadaamo uu aaminsanyahay in uu shirkada kala soo baxy ceelal aad u dhaadheer kuwaas oo ay kamid ahayeen burburinta dacwooyinkii sheegayey in shirkada ay hanta aad u badan ku leedahay jabhada ONLF  sidoo kale wuxuu faarax aaminsanyahay in ay meel aad u fiican u mareyso qorshe uu si qarsoodi  ah u waday kaaso ahaa in u faarax dacwo ku furo dhamaan shirkadaha kale ee ku shaqeeya nidamak xawaaladnimada  inkastoo ay faarax baryahayn danbe xaaladu aad uga qoyantahay oo ay dhaamaan sirdoonka itopiya aad u fahmeen nidaamka uu ku shaqeysto

Wixii ka soo kordha xaaladaas waan idinla socodsiin doonaa 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.  

 

Ethiopia & Soomaaliya oo Isku Khilaafsan Arrimaha Jubooyinka

Xogta Shacabka (Nairobi) Matthew Bryden oo ah Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan oo ka howlgasha Geeska Africa oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khilaaf baahsan oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaasoo salka ku haya maamul u sameynta Jubooyinka.

Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan ayaa tilmaamay in labada dhinac Muqdisho iyo Addis Ababa ay isku fahmi waayeen sida loo wajahayo maamulka loo sameynayo Jubooyinka, waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn sida ay waxa u wadaan IGAD iyo Itoobiya.

Matthew Bryden waxaa uu sharaxay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u tagay Addis Ababa sidii uu u xalin lahaa khilaafka jira laakiin aysan u suuroobin iney wax u hagaagaan.

“Xiriirka ka dhexeeya labada dhinac waxa ka muuqanaya xiisad sareysa waxaasna taasi cadeyn u ah sida lama filaanka ah ee ay ciidamada Itoobiya uga baxeen meelo ay horay gacanta ugu hayeen, Itoobiya maheysato dhaqaale ciidamadeedu ku sii joogaan Somalia waana taas mida keenta in ay dhibsato sii joogida Soomaaliya.” Sidaasi waxaa yiri Matthew Bryden.

Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan ayaa sidoo kale ka hadlay xiisada hadda ka taagan Kismaayo iyo xiriirka ka dhexeeya Bare Hiiraale iyo dowladda Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in aanu jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya masuulkaas hore ee Kismaayo ka talin jiray Bare Aadan Shire Bare Hiiraale iyo dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Haile mariam Desalegn, isagoo xusay inuusan fileynin in dagaal cusub uu dhexmari doono Barre Hiiraale iyo maamulka gacanta ku haya Kismaayo.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Nimco Dareen oo Dhanka Heesaha Banaadiriga ah U Weecatay

Xogta Shacabka (London) Fanaanada caanka ah ee waayahani danbe si weyn looga daba dhacay ee Nimca Dareen ayaa markani codkeeda ku tijaabisay heesaha Banaadiraga ee inta badan Soomaalidu aadka u jecashahay. Nimco ayaa sheegtay inay heeso Banaadiri ah ku soo qaaday magaalada Jigjiga.

Nimca Dareen oo hada ka hor dhawr jeer booqatay Jigjiga iyo kililka 5aad ayaa soo saartay heeso badan oo dhaanto ah iyadoo la qaaday heeso dhaanto ah Cali Dhaanto oo dagaankaas aad looga yaqaano.

Fanaanadani oo ka hadlaysay barnaamijka salaamaha ee ka baxa Tv-ga Universal xaruntiisa magaalada London isla markaana ay daadihinaysay saxafiyada Jamiilo Xasan Garuun ayaa markani lasoo baxday weji cusub oo faneed. Nimco ayaa sheegtay inay u leexatay dhanka heesaha Banaadiriga ah ama ree Xamarka ah.

Halkan Ka Daawo Nimco Dareen oo Hees Banaadiri ah Qaadaysa

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qiimaynta Xafiisyada oo Bari Jigjiga Ka Bilaabmaysa

Xogta Shacabka (Jigjiga) Qiimaynta xafiisyada heer kilil, ayaa barito la filayaa inay ka bilaaban doonto qolka shirarka ee golaha wasiirada. Xog galabta Jigjiga naga soo gadhay ayaa sheegaysa inay qiimayntani tahay midii caadiga ahayd oo lagu eegidoono waxqabadka xafiisyada sagaalkii bilood ee ina dhaafay.

Sannad miisaaniyadeedka Ethiopia ayaa maraya dabayaaqo oo ay ka hadhsantahay un bil kaliyeeta, taasi oo ay suurta gal tahay in qiimayntani noqoto mid si gaar ah loogu eegi doono halka ay ku baxday lacagtii la isticmaalay. Masuuliyiinta xafiisyada ayaa iyagu miisaaniyada badanaa u leexiya hadba meeshii ay wax ka helayaan ee aan ku soconin qorshihii loogu tala galay ama baarlamaanka looga ansixiyay.

Ila wareedyo aan Jigjiga kala xidhiidhnay ayaa noo sheegay inay masuuliyiinta xafiisyada kala duwan ee kililku ku hawlanyihiin u diyaar garowga qiimayntan oo si kadis ah hoosta looga soo galiyay. Wasiiro badan ayaa la sheegayaa inay ag fadhiyaan shaqaale u diyaarinaya warbixintii ay barito la hortagi lahaayeen qiimaynta.

Inta badan dhaliilaha iyo qaladaadka lagu soo saaro qiimaynta noocan oo kale ah ayaa lagaga tallaabo qaataa masuulkii loo jeedo ama la rabo in xilka laga qaado. Ilo ku dha dhaw Xafiiska Maaliyada ayaa noo sheegay in si gaar ah loo qiimaynayo xafiisyada lacagaha dheeraadka ah ka hela hayadaha, sida Biyaha, Caafimaadka, Beeraha iyo Waxbarashada.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Wafdi Ethiopia Ka Socda oo Hargaysa Tagay

Xogta Shacabka (Hargaysa) Magaalada Hargaysa waxaa maanta gaadhay wafdi ka kooban 14 xubnood oo ka socda Dawlada Ethiopia oo halkaasi u tagay shir laba maalmood soconaya oo barito ka furmi doona hoteelka Ambassador ee Hargaysa. Shirkan ayaa looga wada hadlayaa xidhiidhka ganacsi iyo heshiiyo kala duwan oo labada dal ka dhexeeya.

Wafdiga dawlada Ethiopia oo ku yimid  diyaarada iyo baabuurba, ayaa ah masuuliyiin ka kala socda wasaaradaha dibada, ganacsiga, gaadiidka iyo maaliyada. Sidoo kale ayay wafdiga ku jiraan masuuliyiin ka socota xukuumada kililka 5aad.Wasiirka Ganacsiga ee Kililka C/llaahi Yuusuf ayaa naloo sheegay inuu wafdigaasi jigjiga ka tagay hogaaminayo.

Shirkan oo daba socda mid sannadkii hore lagu qabtay magaalada Diridhabe ayaa laga sugayaa in khubarada wasaaradaha kala duwani ay ku sameeyaan guddi farsamo si xidhiidhka labada dal kor loogu qaado.

Dawlada Ethiopia oo xidhiidh wanaagsan oo dhanka nabadgalyada iyo ganacsiga ah la lahayd Somaliland mudo dheer, ayaan ilaa haatan aqoonsanin.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Farxaan oo Pakistan Ka Soo Laabtay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Wasiirkii hore ee Biyaha kililka Farxaan Xuseen ayaa ka soo laabtay wadanka Pakistan oo u khuruuj laba bilood ah ugu maqnaa isagoo haatan dib ugu soo noqday magaalada Jigjiga. Farxaan ayaan dib ugu soo laabanin Jigjiga tan iyo intii laga qaaday Xafiiska Biyaha bishii October ee sanadkii ina dhaafay.

Sida ay Xogta Shacabka u sheegeen dad ay Farxaan isku dhawyihiin, wuxuu dhawrkii bilood ee ina dhaafay ku mashquulsanaa cibaadaysi iyo khuruuj uu ugu kicitimay wadanka Pakistan, inkastoo ay hada kahor na soo gaadhay xog sheegaysa inuu India u aaday socdaal ganacsi.

Inkastoo Farxaan loo magacaabay Lataliyaha M/weynaha kadib markii laga qaaday Xafiiska Biyaha, hadana wixii wakhtigaasi ka danbeeyay wuu ka maqnaa Jigjiga. Ilo lagu kalsoonyahey oo madaxtooyada ku dhaw ayaa noo xaqiijiyay inaan xilkaasi danbe ee loo magacaabay laga qaadin, isla mar ahaantaana uusan soo shaqo galin.

Ku xeel dheerayaasha aarrimaha kililka ayaa soo laabashada Farxaan ee Jigjiga ku tilmaamay inay u habar wacdeen saaxiibadiisa xukuumada ku jira oo ay xaaladu ku adkaatay, si uu ula taliyo. Wasiirka Arrimaha Bulshada C/raxmaan Guray ayay aad isugu dhawyihiin Farxaan, oo ah ruug cadaa siyaasada kililka ku soo jiray in kabadan 12 sano.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Abwaan Dhoodaan oo Geeriyooday

Xogta Shacabka (Diridhabe) War dag dag ah oo telephone nalooga soo sheegay Diridhabe, ayaa sheegaya inu Ilaahay Ha u Naxariistee halkaasi ku geeryooday abwaankii caanka ahaa; Cabdulaahi Macallin (Dhoodaan). Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun!!! Faah faahin dheeraad ah kama aanaan helin geerida ku timid abwaan Dhoodaan. Bahda Xogta Shacabka waxay ilaahay uga baryaysaa inuu Janadii ka waraabiyo Cabdulaahi Macalin Dhoodaan ehelkii iyo qaraabadiisiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Cabdulaahi Macallin Dhoodaan, waxaa u qiyaastii 1941-dii ku dhashay gobolka Doollo ee Kililka 5aad, waxaa uuna qayb libaax ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee shacabka Soomaaliyeed u soo galeen inay aayahooda ka tashadaan. Dhoodaan ayaa ka tagay sugaan iyo gabayo taariikhda galay oon la iloobi doonin.

Dhawrkii sano ee u danbeeyay wuxuu Dhoodaan ku noolaa magaalada Jigjiga oo xukuumada Kililka 5aad ay dajisay.

Ilaahay Ha U Naxariisto Cabdulaahi Macalin Axmad (Dhoodaan)

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

"Cimrigaagoo Raagay Geel Dhalayuu Ku Tusaa"

Xogta Shacabka Dadka Soomaaliyeed een iyagu xoola-dhaqatada ahayn ayaa wax lala yaabo ku tilmaami jiray dhaqashada geela iyagoo gaar ahaan dadka beeralayda ah ee wabiyada liilkooda daga ay maah maah ka dhigeen “cimrigaagoo raagay geel dhalayuu ku tusaa.” Hadaba dunidan casriga ah ayaa inoo sahashay inaan cimrigeenoon raagin aragno sida geelu u dhalo.

HALKAN KA DAAWO HAL DHALAYSA

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Riyale Xaamud "Ethiopia Way Kala Tagaysaa 2015"

Xogta Shacabka (Stockholm) M/weyne ku xigeenkii hore ee Kililka Riyaale Xaamud oo isagu haatan xubin ka ah Golaha Dhexe ee Jabhada ONLF, ayaa sheegay in qawmiyadaha Ethiopia ay qarka u saaranyihiin inay kala tagaan inta ka horaysa doorashada 2015. Riyaale oo qoxooti ahaan ugu nool wadanka Sweden ayaa sidoo kale sheegay in Ethiopia uusan ka dhicin wax isbadal ah dhimashadii Meles kadib.

Riyaale Xaamud oo ka hadlayey is-badallada ka dhacay geeska Afrika ayaa ku tilmaamay doorashooyinkii Kenya inay ahaayeen isbadallo fiican oo ka dhacay Geeska Afrika, hasa ahaatee ka dayriyay kuwii ka dhacay  wadanka Jibuuti. Sidoo kale ayuu Riyaale soo dhaweeyay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya wadanka Ethiopia ayuu Riyaale sheegay in dadka Muslinka ah lagu qasbayo inay qaataan madhabta Shiicada ah. Riyaale ayaa R/wasaaraha Ethiopia Haile Mariam ku tilmaamay mid maqaar saar ah oo loo yeedhiyo.

Markuu ka hadlayey dhanka Ogaadeeniya ayu Riyaale yidhi “anagu Ethiopian ma nihin, wax xoriyad ka yarna ma doonayno”.

Riyaale Xaamud oo horay Kililka uga soo ahaa M/weyne ku xigeen, ayaa isagu ka soo jeeda gobolka Siti ama horay loo odhan jiray Shinniile.

Halkan Kaga Bogo Waraysiga Riyaale oo Codka ah

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Barre Hiiraale oo Kismaayo Saaka Gaadhay

Xogta Shacabka (Kismaayo) Kornayl Barre Aadan Shire (Bare-Hiiraale) iyo ciidan uu wato ayaa saaka soo galay magaalada Kismaayo oo u ka socdo shir maamul-goboleed loogu samaynayo gobollada Jubooyinka iyo Gado. Imaatinka Barre Hiiraale ee Kismaayo ayaa dhalisay xiisad maadaama aan wali lagu heshiinin maamul-u samayntii Jubooyinka.

Bare Hiiraale ayaa yimid maalin un kadib markii ay Kismaayo gaadheen ciidn lixdameeyo ah oo ka soo kicitimay gobolka Gado. Ciidanka shalay yimid ayaa ku biiray ciidan ree Gado ah oo horay u daganaa Warshada Hilibka.

Xaalada amni ee Kismaayo ayaa cirka isku shareertay maadaama dhaq- dhaqaaqa ciidan ee ree Gado loo arkay is abaabul lagu carqaladaynayo shirka halkaasi ka socda.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Maxaa Laga Wadaa Video-ga Cakaranews La Soo Galiyay?

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Intiinii la socotay maalmahan, waxaa ay maamulka kililku sheegteen inay khaarajiyeen saraakiil ka tirsan ONLF ayna gacanta ku dhigeen ilaaladii Muxumed Anni dagaal ka dhacay aaga Farmadow. Hadaba waxay websiteka Cakaara soo galiyeen cajalad muuqaal ah oo ay ka dhigayaan cadayntii dagaalkaas ay sheegeen inay ONLF jab ugu gaysteen.

Cajaladaas oo qiyaasti soconaysa 18 daqiiqadood ayaa waxaa ka hadlaya xubno kasoo xarooday ONLF oo markay laba kalmadood sheegaanba la dhex galinayo ilma yar oo qoslaya iyo nin telefon ku hadlaya oo odhanaya “Qoryooloy ayaan joogaa; warta agteeda” arrintaasi oo dadkii daawaday ay la yaabeen waxa ay kililku ka wadaan.

Sidii ay hada ka hor sheegteen, kililku waxaa laga filayey inay soo bandhigaan qoryihii dhashiikayaalka ahaa ee ay sheegeen inay ka qabsadeen ONLF iyo maxaabiistii ay soo qabteen.

Dhanka ONLF ayaa iyaguna sidii caadada u ahayd soo qora warar sheegaya dagaalo ay ku qaadeen ciidanka Ethiopia oo askar kaga laayeen, taasoo haday run tahay ay waa hore wadanka xorayn lahaayeen, balse ay taageerayaalkooda ku maaweeliyaan.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Sheekh Deeq oo Waraysi Siiyay Ilays TV

Xogta Shacabka (Asmara) Hogaanka Ciidanka ONLF Deeq Maxamed Aw-Muxumad (Sheekh Deeq) ayaa waraysi uu dhawaan siiyay barnaamujka ILAYS kaga waramay xaalada nololeed ee shacabka Ogaadeeniya isagoo sheegay inay dadka ku nool miyigu nolol dhaamaan kuwa magaalooyinka dagan.

Sheekh Deeq ayaa dadka magaalooyinka ku nool ku tilmaamay inay ku jiraan go’doon ayna yihiin dad “cadawga la fal-galay”. Mar uu ka hadlayey dhanka ganacsiga ayuu sheegay inuu aad u hooseeyo ganacsigu, maadaama aysan jirin wax wadooyin ah oo dhulka laga sameeyay, isla mar ahaantaana ay xuduuduhu xidhanyihiin. Qofkii waraysigan daawada ayaa is waydiinaya Sheekh Deeq ma wuxuu ka waramayaa shirkado ganacsi oy jabhadu leedahay mise jabhada ayuu u qaabilsanyahey arrimaha ganacsiga.

Sheekh Deeq oo ka warbixinaya xaalada xoolaha shacabka Ogaadeeniya dhaqdo, ayaa sheegay in geela iyo adhigu ay sidoodii ugu badanyihiin Ogaadeeniya, balse ay fardaha iyo lo’du aad u yaraadeen.

Inkastoo Sheekh Deeq yahay madaxa ciidanka jabhada oo laga filayay inuu ka waramo dagaallada ay ciidankiisu ku qaadeen kuwa Ethiopia iyo haday jirto goobo ay ka qabsadeen, ayuusan haba yaraatee carabka ku dhufanin wax dagaal ah oo dhex maray ONLF iyo ciidanka Ethiopia.Dhanka dawlada iyo xabsiyada ayuu Sheekh Deeq sheegay inaysan wax dhibaato ah ka jirin oo ay caadi tahay in dawladi xabsi yeelato.

Waraysiga Sheekh Deeq ayaa u muuqday mid loogu jawaabayo hadalo waa dhawayd saxaafada soo galay oo sheegayay in ay Liyuu Boolisku dileen, sidaasi darteedna inuu noolyahay la cadaynayo.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Videos



Xogtashacabka Radio

Follow us