Home

EPRDF oo Rajo Wayn Ka Qabta Inay Doorashada 2015 Ku Guulaysan Doonto

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Wadanka Itoobiya, waxaa horaanta sannadka fooda inagu soo haya ee 2015 ka dhici doonta doorashada baarlamaanka heer kilil iyo heer federaal oo shantii sanoba mar la qabto, tan iyo intii ay xukunka dalka EPRDF gacanta ku haysey. Isbahaysiga EPRDF oo ay ku midoobeen afarta kilil ee ugu tirada badan Itoobiya ayaa rajaynaya

Read more...

C/llaahi Itoobiya oo Shaqadii Laga Joojiyay & C/fataax oo Digniin Kama Danbays Ah La Siiyay

Xogta Shacabka (Jigjiga) Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa ku waramaya in labada M/weyne ku xigeen ee Deegaanka Soomaalida; C/llaahi Itoobiya iyo C/Fataax Maxamuud lagu eedeeyay xidhiidh inay la leeyihiin Jabhada ONLF, kadib markay hayadaha amniga ee heer deegaan iyo hogaaminta xisbigu, kulamo dag dag ah ooy shalay galeen ku qiimeeyeen

Read more...

Well Come Back Mr Buurgabo oo Xabsiga laga soo Daayay!!!

Xogta Shacabka (Jigjiga)  Wariye Buurgabo  oo kamid ahaa hawlwadeenada wariyaasha ESTV ugu mihiimsan ayaa waxaa uu u xidhnaa in hada kahor nin toori uu kudhuftay, ninkaas oo sida aan warkiisa ku haynay ay ahayd in ay  nin isku qabteen khilaaf aad u xun oo kakacay gabadh kadibna Buurgaabo uu toori ku dhuftey ninka ay gabadha isku qabteen.

Read more...

Jaamacada Jigjiga iyo Ta Kismaayo oo Heshiish Kala Saxiixday

Xogta Shacabka (Jigjiga) Jaamacada Jigjiga ee ku taalla Ismaamulka Soomaalida iyo Jaamacada Kismaayo ee Jubaland ayaa kala saxiixday heshiis iyo is-kaashi dhinaca daraasaadka, cilmi-baadhista, barnaamujyada labada jaamacadood, adeega bulshada iyo guud ahaanba hanaanka baris-barasho

Read more...

30 Guurada Jabhadda Wadaniga Xoreeynta Ogaadeeniya(JWXO) By Anwar M. Magan

Xogta Shacabka (Nairobi) Maalinta Jimcaha, Taariikhduna tahay 15-Agosto-2014 oo waafaqsan 19-Shawaal-1435 waxeey ku beegantahay 30-guuradi kasoo wareegtay Aasaaski JWXO/ONLF. Waa maalin weeyn,maalin taariikhi ah,maalin leh astaan taariikheed. Waa maalintii dadkeeni iyo waxgaradkeeni diideen faragalin shisheeye.

Read more...

Wasiirkii Madaxtooyada Kililka oo Loo Badalay Xarunta Xisbiga. Maxay Tahay Sababtu?

Xogta Shacabka (Jigjiga) Wasiirkii Xafiiska Madaxtooyada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Casiis Maxamed ayaa loo badalay  madaxa xarunta dhexe ee xisbiga sida ay qortay shabakada Cakaaranews ee afka kililka ku hadasha. Cabdi Casiis ayaa shalay galab helay digreeto uu ku sixiixanyahay  Madaxweynaha Kililka Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley)

Read more...

Ruqsado La Siiyay Shirkado Diyaaradood oo Gaar Loo Leeyahay. Nogob Aviation oo Kamid Ah

Xogta Shacabka (Addis Ababa) Wakaalada Duulista Hawada ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay sannadkan ruqsad siiyeen saddex shirkad diyaaradeed oo gaar loo leeyahay. Maareeyaha Wakaalada Kornayl Wosonyeleh oo magaalada Addis Ababa saxaafada kula hadlay ayaa u sheegay magacyada saddexda shirkadood oo kala ah, Nogob Aviation plc, Horn Express Airline plc, iyo Lucy Airlines.

Read more...

Maydka Taliyihii Qaybta Duufaan ee ONLF Aadan Qalinle oo Dhagaxbuur La Keenay

Xogta Shacabka (Dhagaxbuur) War dag dag ah oo goor dhawayd naga soo gaadhay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ayaa sheegaya in dagaal saaka ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhabiile  oo dhex maray ciidanka Jabhada ONLF iyo Liyuu Booliska lagu dilay taliyihii qaybta Duufaan ama Jarar ee ONLF N/hure Aadan Qalinle. Ilo lagu kalsoonyahay oonu kala xidhiidhnay Dhagaxbuur ayaa noo sheegay in Aadan Qalinle maydkiisa galabta la keenay magaalada.

Read more...

Senator Colow iyo Odayaal Booqanaya Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Xogta Shacabka (Nairobi) Senetor Cabdiraxmaan Xasan Colow oo ay weheliyaan qaar ka tirsan hogaamiye dhaqameedka gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa inuu dhawaan safar ku tagi doono Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Ilo wareedyo Nairobi ku sugan oo xog ogaal u ah qaban qaabada socdaalkan

Read more...

Odayaasha Beesha Absame ee Hargaysa Iyo Kuwa Somaliland oo Shir Wada Yeeshay

Xogta Shacabka (Hargaysa) Ugaaska Guud ee Beelaha Absame ee Somaliland, Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq ayaa Casuumad qado ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Madax-dhaqameedyo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Read more...

Cabdi Iley & Ku Xigeenadiisa oo Addis Ababa Ka Soo Noqday. Maxay La Soo Laabteen?

Xogta Shacabka (Jigjiga) Magaalada Jigjiga waxaa shalay dib ugu laabtay xubnaha ugu sareeya maamulka Kililka oo ah Madaxweynaha iyo saddexda ku xigeen iyo gudoomiyaha xisbiga oo ka soo laabtay Addis Ababa oo ay kaga soo qayb galeen shir socday hal maalin. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa noo sheegay in kooxdan loogu yeedhay

Read more...

Xafladii Arooska Gabadha M/weynaha Jabuuti Iyo Wasiirka Waxbarashada (Video)

Xogta Shacabka (Djibouti) Wasiirka Waxbarashada ee Jabuuti Dr. Jaamac Cilmi Cokiye ayaa guursaday gabadh uu dhalaya Madaxweynaha dalkaasi oo lagu magacaabo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka bixiyay 26 halaad oo geel ah, baarqabkii, qori iyo faras. Xaflada meherka oo ka dhacday goobta lagu magacaabo

Read more...

Wali Ma Daawatay Sheekooyinka Qosolka Badan ee Majaajilayste Wiil-Waal?

Xogta Shacabka (Jigjiga) Majaajilaystaha baryahan aadka looga daba dhacay ee GH Wiil-Waal oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa boggiisa Facebook iyo kanaalka uu Youtube ku leeyahay bilaabay inuu ku soo bandhigo sheekooyin maqal iyo muuqaal ah oo soo jiitay indhaha iyo dhagaha dad badan aadna looga helay.

Read more...

Ree Axmad C/llaahi Tarabi oo Jawaab & Caddayn Ka Bixiyay Eedayntii Faadumo Adan Taani

Xogta Shacabka (Minneapolis) Qoyska lagu magacaabo Ree Axmad Cabdulaahi Tarabi oo ka soo jeeda magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ayaa waraysi ay la yeesheen Layli-tv kaga jawaabay eedayn ay u soo jeedisay gabadh uu dhalay Suldaan Aadan Yuusuf Taani

Read more...

Fanaanada Saado Cali oo Muqdisho Lagu Dilay Maanta

Xogta Shacabka (Muqdisho) Waxaa maanta duhurkii magaalada Muqdisho lagu dilay fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame oo sidoo kalena ahayd xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka ku saabsan dilka Saado Cali, waxaa gaadhiga ay saarnayd oo marayay wadada Maka Al-Mukarama lagu hor gooyay gaadhi kale

Read more...

Sidee Ayaa Gaani Xirsi Mar Labaad Loogu Doortay Gudoomiyaha ONLF ee Minnesota?

Xogta Shacabka (Minneapolis) Horaantii bisha July ee aynu ku jirno waxaa magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka, ka dhacay kulan la rabay in dib loogu habeeyo unugta JWXO ee gobolka Minnesota oo ay xubno badani naawilayeen in la badalo gudoomiyaha Gaanni Xirsi iyagoo ku eedaynayey inuu si qabiil nacayb ah jabhada uga saaray xubno halganka taariikh ku leh iyo inuu si dadban u bur burinayo jabhada.

Read more...

Wasiiro iyo Ku Xigeeno Galabta La Isku Badalay. Yaa Ka Mid Ah?

Xogta Shacabka (Jigjiga) Warar ka soo baxaya Madaxtooyada Kililka 5aad ayaa sheegaya in galabta isku shaandhayn an la filaynin lagu sameeyay qaar kamid ah wasiirada iyo ku xigeennada Dawlada Deegaanka Soomaalida.  Is-badalkan ayaa ah mid an laga ansixinin golaha wasiirrada, isla markaana an la garanaynin ujeedada laga leeyahay waqti sannad-miisaaniyadeedkii dhamaaday.

Read more...

Musuq Maasuqu Qiil Ma Leeyahay? Faallo Heerka Musuqa DDSI

Xogta Shacabka (Jigjiga) Marka laga hadlayo musuqa xoolaha dadweynaha, waxaa lagu macneeyaa; masuuliyada  iyo xilka oo dano gaar ahaaneed looga faa’iidaysto, waxayna timaadaa marka masuul ama shaqaale dawladeed uu xoolaha shacabka ku qaato, xatooyo, eex, laaluush iyo nin-tooxsi. Inta badan hayadaha la dagaallama musuqu waxay u qaybiyaan laba heer; mid sare oo baaxadiisu

Read more...

Axkaamta Soonka Bisha Ramadaan; (Sheekh Maxamed Cabdi Umal)

Xogta Shacabka (Nairobi) 12-ka bilood ee sannadku ka koobanyahay, bisha Ramadaan ayaa ugu fadli badan uguna barako badan. Dadka Muslimiinta wuxuu ilaahay ugu tala galay inay bishan ka faa’iidaystaan oo ay cibaadaystaan. Sheekh Maxamed Cabdi Umal khayr Alla ha ka siiyee ayaa muuqaalkan hoose ku faah faahinaya fadliga ay bishani leedhay ee daawasho wacan.

Read more...

Cabdi Iley: M/Weynihii Ugu Waqtiga Dheeraa Kililka 5aad ee Xilka Haya. Imisa Sanuu Hayay? Muxuuse Qabtay? By Ahmed Adan

Xogta Shacabka (Opinion) July 10, 2010 ayay ahayd markii kulan dag dag ah ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee xisbiga Jigjiga ayna xilkii ka qaadeen M/weynihii Deegaanka Daa’ud Maxamed Cali booskiisiina ku badaleen Cabdi Maxamud Cumar oo markaasi ahaa Hogaanka Nabadgalyada. Waxaa waqtigaasi dalka iyo deegaankaga ka dhacday doorashadii baarlamaanka,

Read more...

Videos



Xogtashacabka Radio

Follow us